CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Dhibaatooyinka Iskuulka: Adeegyada Waxbarasho iyo Caafimaadka Dhimirka

Waayo uu Cunugeyga Dhabaato Ay Uga Hayestaa Iskulka? 

Caruurta iskuulka ku liidata waxaa laga yaabaa in ay caafimad daaro ama dhibaato caafimaad ee Dhimirka, waxbarashadu itaal-la’aan ka haysato ama sedexdooda isku jiraba ay qabaan.

Sidee Bay Dhibaatooyinka Kuuwaasi U Saameyn Karaan Waxbarashada Cunugeyga?

Dhibaato caafimaad, sida araga ama maqalka oo daciif ah, ayaa hor istaaga kara waxbarashada.    

Caafimaadka Dhimirka dhibaatooyinka (dareen ama dabeecad) sida Hoos-udhaca Feejignaanta/Salfudud, Walwalka, Niyad Xanuun ama Cunida ka go’san ayaa waxay ka dhigeysaa mid adag in iskuulka ku fiic naado.  Macluumaad dheer ah eeg Qoraalka Gaaban ee ku saabsan Xanuunada Caafimaadka  Dhimirka ee Caruurta.

Xanuunka waxbarasho darida waxay ka hor timaadaa awooda cunuga uu wax ku baran lahaa, xasuusan lahaa, iyo/ama uu kula xiriiri lahaa wax yaabaha la barey. 

Dhibaato hal meel ah waxaa laga yaabaa in dhibaato kale ay cunuga u keento.  Tusaale ahaan, haddii cunuga maqalkiisu uu sidaa u fiicanayn (caafimaad xumo) ama aanan karin aqriska (qaba tabar daro waxbarasho), asaga ama ayada waxaa laga yaabaa in ay noqdaan kuwa ka walaacsan
(qaba dhibaatoyin caafimaad ee Dhimirka).

Waa Maxay Itaal-Darada Waxbarasho? 

Cunuga hal meel ama inka badan itaal-daro ka qaba xirfadaha loo baahan yahay in wax lagu barto, waxaa laga yaabaa in uu qabo itaal-daro waxbarasho.  Itaal-darida waxbarasho waxay kasabtaa in cunuga waxbarashadiisa iskuulka noqoto mid ka hooseysa da’da uu ku jiro,   fasalka iyo heerka caqligiisa.  Caruurta caqliga badan xitaa way qabi karaan itaal-daro waxbarasho.  Caruurta ay itaal-daro waxbarasho hayso mararka qaarkooda si qaldan ayaa waxaa loo calaamadeeyaa in ay yihiin kuwa doqon ama cajisloo ah.

Waa Maxay Calaamadaha Qaar Ee Lagu Garto Itaal-darada Waxbarasho?

  • Waxaa dhib ku ah aqrista, qorista ama xirfadaha xisaabta
  • Dib-uso celinta lambarada ama xarfaha
  • Arrimaha iskuulka wuu ka walaacsan iyo wuu ka niyad-jabsan yahay
  • Fasalada uu ka maqnaado ama iskuulka uu gooyo
  • Dib uu aaga dhaco ama fasalka uu ku dhaco
  • Macalinka uu ka soo gudbiyo dhibaatooyin ku saabsan dabeecadiisa

Maxaa Sababa Itaal-Darida Waxbarasho?

Sababta saxda ee itaal-darida waxbarasho si buuxda looma fahamsana.  Guud ahaan, waxay ka yimaadeen  oo ay ka dhasheen fir iyo waxyaalo iska dhaxal oo isku jira, iyo waxyaabo kale ee ka dhashey barbaarinta iyo deegaanka.    

Haddii Cunugeyga Iskuulka Dhibaatooyin ka Haysato, Maxaa Caawin Kara?

Cunuga dhibaato caafimaad ee madaxa qaba, waxaa laga yaabaa in uu ubaahan yahay adeegyada caafimaadka Dhimirka. 
Hase-yeeshee, cunuga waxaa kaloo laga yaabaa in uu ubaahan yahay Adeegyada Waxbarashada Gaarka si uu aaga rayesto itaal-darada waxbarasho ama dhibaatada caafimaadka Dhimirka oo ka hor istaagan barashada.    

Waa Maxay Waxbarashada Gaarka Ah?

Sharciga Shaqsiyaatka Qaba Itaal-Darida Waxbarasho (IDEA) waxaa gobolada looga baahan yahay in ay dhamaan ardayda qaba itaal-darida waxbarasho u diyaariyaan waxabarasho ku haboon oo bilaash ah.  Haddii cunugaaga uu qabo caafimaad daro, caafimaad Dhimirka ama itaal-daro waxbarasho oo uu qalmo, iskuulada waxay u diyaariyeen waxbarasho gaar ah oo loogu tala galey si aaga caawiyo inuu guuleyesto.

Ugu horeyentii, iskuulada way qiimeynayaan cunugaaga.  Haddii cunugaaga uu xaq u leeyahay iskuulka wuu kula kulmayaa si ay u qoraan Qorshe Waxbarsho oo Shaqsi ah (IEP).  Qorshahaan wuxuu u baahan yahay in iskuulka degmada ay siiso adeegyada ku qoran IEP. 

Haddii cunugaaga uqalmo Waxbarashada Gaarka Xanuunka Dareenka, iskuulka iyo hay’ada caafimaadka Dhimirka  ee degmada waxay bixinaysaa adeegyada caafimaadka Dhimirka si ay ugu taageerto cunugaaga waxbarashadiisa.  Kuwani waxaa marmar qaarkood loogu yeeraa adeegyada AB3632, AB2726 ama 26.5.

Haddii cunugaaga uusan xaq ulahayn Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah, Iskuulka weli waxaa laga yaabaa in uu cunugaaga siin doonaa taageero dheeri ah.  Qiimeyenta “adeegyada 504” codso ama taageero weydiiso adigoo u maraayo Sharciga Itaal-darida Amerikaanka (ADA).

Waxaa Maxay Adeegyada Waxbarashada Gaarka?

Adeegyada waxbarashada gaarka waa mid shaqsiyan loogu tala galey.  Nidaamka loo baro maadada cunuga ayaa lagu hagaajiyey si uu ubarto.  Daawayn iyo/ama taageerida waxbarashada waxay caruurtu ay ka caawinaysaa si uu uga rayesto itaal-darada dareenka.   

Sideen Caawinaad U Heli Karaa?

Ugu horeyentii, la tasho takhtarka cunugaaga.  Weydii takhtarka cunugaaga in uu baaritaan caafimaad oo dhamayestiran in uu sameeyo.  U sheeg takhtarka dabeecooyinka walwalka kugu hayo.  Weydii takhtarka haddii qiimeyn ama daaweyn dheeri oo takhtar gaar ah ku sameeyo cunugaaga dhibaatooyinkiisa dabeecad loo baahan yahay.    
 
Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Waxaa laga yaabaa in aad u baahan tahay in aad ula xiriirto iskuulka cunugaaga, ama Waxbarashada Gaarka ee Qorshaha Degmada (SELPA).  Macalimiinta iyo la talliyaha sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay ku caawin karaan. 

Adeegyada Waxbarashada Gaarka ahna iskuulka cunugaaga weydii in ay qiimeeyaan si loo ogaado in cunugaaga xaq u uleeyahay iyo in kale.  Codsigaana qoraal ahaan waa in aad u soo dirtaa.  Goorta tan dhamaato, iskuulka degmada waa in ay si rasmi ah ubilaabaan qorshayn jadwal. 

Halkee Baan Ka Heli Karaa Macluumaad Dheeri Ah?

Ururka Itaal-Darada Waxbarasho ee Ameerikaanka
(412) 341-1515
http://www.ldaamerica.org

Daabacaadna:
Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov